Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo shir uga qeyb galaya dalka Masar

Date:

Muqdisho (SNTV): Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa ka socda oo maalintii labaad galay shirka heerka sare ee guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare,maxkamadaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika,waxaana sidoo kale shirkan lagu soo bandhigi doonaa sharaxaad ku saabsan waxyaabaha ku jira go’aanka maxkamadaha dastuuriga ah ee Afrika.

Shirkan ayaa Soomaaliya waxaa ugu qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

“Waxaan magaalada Qaahira kaga qaybgalay shirka heerka sare ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika oo ay sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah Dawlada Masar martigalisay,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo Guddoomiyaha ku soo qoray Bartiisa Facebooka.

Shirka oo furmay sabtidii,ayaa waxaa ka soo qeyb galay ra”iisal wasaaraha Masar Mostafa Madbouli, Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Masar Hanafi Ali al-Gebali,wasiirka Socdaalka Nabila Makram iyo wasiirka korontada Maxamed Shaker.

Dowladda Masar ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah martigelineysa shirkan,waxayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika,iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta berito ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...