Ciidanka PSF ee Puntland oo Howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey Buuraha Cal Madow

Date:

Boosaaso (SNTV) Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab  ka fuliyey deegaano ka tirsan Buuraha Cal Madow ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay uga hortageen weerar kaga yimid dhinca Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda  Warbad iyo Gebidheer, isla markaana ay fashiliyeen weeraradaasi.

Sidoo kale dowlada Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in weeraradaasi Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha  Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin ee ku yaalla Buuraha Galgala.

Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal  ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo mararka qaarkood weeraro ku qaada Ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...