Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay Gobolka Bakool

Date:

Xudur (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool waxay ku qaarijiyeen horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,kaasi oo lagu dilay deegaanka Shiidle ee gobolkaasi.

Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.

Wuxuu ku sheegay taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka sababta ay deegaanadaasi u weerareen iney tahay sidii shacabka kaga ka dul qaadi lahaayeen dhibaatada maleeshiyada Al-Shabaab ku haayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...