Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaasi.

Madaxweyne lafta gareen ayaa maalmihii u danbeeyay safar shaqo u joogay magaalada Muqdisho,waxaana intii uu ku sugnaa Muqdisho uu la kulmay madaxda Dowladda Federaalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Wuxuuna madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ku sheegay muhiimada safarkiisii sidii la isugu furi lahaa deegaanada Maamulka Koonfur galbeed loogana xoreyn lahaa kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa wada qorshe la isugu furayo wadooyinka deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaasi oo ay argagixisada ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...