Maamulka Degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidama oo ka shiray adkaynta amniga

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Gudoomiyaha Degmada Bacad, Qaasim Cali Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay shir looga hadleyey sidii wax looga qaban lahaa Xaaladda amni ee Degmadaaasi oo ay Maalmahan ka jireen shaqaaqooyin.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Degmada ayaa waxaa ka qeyb galay, qaar ka mid ah wax garadka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiye, Qaasim , oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka looga hadlay sidii laysaga kaashan lahaa amniga iyo sidii loo heli lahaa isku duubni dhemarta Shacabka Degmada, maamulka iyo Ciidamada.

Qodobbada ka soo baxay kulanka ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen, in aan Qori lagu dhe wadan Karin Magaalada gudaheeda, in aan xabbad lagu dhex ridi Karin iyo in aan gabbaad la siin Qof xiriir la leh Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa digniin culus u diray Debleyda dhigata Isbaarooyinka sharci darrada ah, wuxuuna sheegay in ciddii lagu arko Jidgooyo ay ula dagaallamayaan sida kooxda Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...