Ra’iisul Wasaare Khayre: Sida Dunidu Noola Dhaqanto Iyo qanaacada Dadka Soomaaliyeed, Waxaa lafdhabar u Ah Garsoorka Dalka

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane, Xasan Cali Khayre oo Casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa si weyn ula dar-daarmay, kuna boorriyay shaqa wanaag iyo hufnaan.

Wuxuu sheegay in hagaajinta dhaqaalaha Dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta Dowlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda Dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor iyo caddaalad loo simanyahay oo Dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Casho Sharafta oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha Qaranka, Garsoorayaasha Gobalka Banaadir iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ayay muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta Garsoorka Dalkeenna.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa madaxda Garsoorka Dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka Gasoorka Dalka.

Himmilooyinka tubta caddaaladda iyo amniga ayaa waxaa ku jira halbeegyo muhiim u ah horumarinta caddaaladda iyo Garsoorka Dalkeenna, si loo helo caddaalad loo simanyahay.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Shalay soo xiray shir Sannadeedkii ugu horreeyay ee burbrkii Dalka kadib looga arrinsado Garsoorka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...