Jabuuti iyo Masar oo ka wada hadlay horumarka Soomaaliya

Date:

Addis ababa-(SNTV)– Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ,Sameh Shoukry  iyo dhiggiisa Dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa Shalay ka wada hadlay  ammaanka Badda Cas iyo xaaladda Waddamada Geeska Afrika.

Labadan mas’uul ayaa ku kulmay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, xilli ay isu diyaarinayeen shirka Waddamada Midowga Afrika oo dhowaan ka dhici doona halkaas, sida ay daabacday Jariiradda Anadolu.

War ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Labada Nin ay ka wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Bariga Afrika, xiriirka Jabuuti iyo Eretrea, horumarrada ka jira Soomaaliya iyo Yemen iyo arrimaha amni ee Badda Cas.

Labada wasiir ayaa sidoo kale Diiradda saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo Badda Cas, iyaga oo isla qaadaa-dhigay sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo horumarineed oo wadajir ah oo ay Soomaaliyana qeyb ka tahay.

Soomaaliya ayaa door muhiim ah kaga jirta xasilloonida iyo horumarka Waddamada geeska Afrika, waxaana haatan soconaya is-beddello lagu dar-dar gelinayo is-dhexgalka iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka oo ay Laf Dhabar u tahay Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...