Jabuuti iyo Masar oo ka wada hadlay horumarka Soomaaliya

Date:

Addis ababa-(SNTV)– Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ,Sameh Shoukry  iyo dhiggiisa Dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa Shalay ka wada hadlay  ammaanka Badda Cas iyo xaaladda Waddamada Geeska Afrika.

Labadan mas’uul ayaa ku kulmay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, xilli ay isu diyaarinayeen shirka Waddamada Midowga Afrika oo dhowaan ka dhici doona halkaas, sida ay daabacday Jariiradda Anadolu.

War ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Labada Nin ay ka wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Bariga Afrika, xiriirka Jabuuti iyo Eretrea, horumarrada ka jira Soomaaliya iyo Yemen iyo arrimaha amni ee Badda Cas.

Labada wasiir ayaa sidoo kale Diiradda saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo Badda Cas, iyaga oo isla qaadaa-dhigay sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo horumarineed oo wadajir ah oo ay Soomaaliyana qeyb ka tahay.

Soomaaliya ayaa door muhiim ah kaga jirta xasilloonida iyo horumarka Waddamada geeska Afrika, waxaana haatan soconaya is-beddello lagu dar-dar gelinayo is-dhexgalka iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka oo ay Laf Dhabar u tahay Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...