Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah ka furay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa daahfuray Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan waxqabadka iyo Istaaratiijiyada Hay”adda Caalamiga ee WorId Vision ee Soomaliya  2019 2020.

Kulankan waxaa ku sugnaa  Wasiirada Dowladd gobaleedyada qaar,Wasaaradaha Dowladda dhexe iyo madax ka Socotay Dowladd Gobaleedyada.

Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay”adan WorldVision sida ay ugu Jawaabtay go,aankii Dowladda, xafiis Waynna ay ka furatay Soomaaliya kana shaqo bilowday.

Dhinaca kale, Wasiirka Jamaal ayaa tilmaayay in Istaaraatiijiyada Hay”ada 2019 2020 in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaaliyeed oo ay ku cad yahiin Baahiyaha wax ka qabashada u baahan ee Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Asad Yuusuf Afrax ayaa sharaxay Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo hada socda wadatashigiisa wareegga Kowaad kaas oo la diyaarinayo sanadkan.

Agaasimaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Soomaaliya ay  u baahan tahay in wax laga qabto iyada_oo lagu shaqeenayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Qorshaha Dib u kabashada Abaaraha RRF.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca Sweden

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa...

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa...

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka ee QM

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf...