Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo kulan xog-waraysi ah la qaatay Ganacsatada Dalka

Date:

Axad, Feberaayo 03, 2019ย โ€“Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka Raโ€™iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.

โ€œGanacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa masโ€™uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ahโ€, ayuu yiri raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, si taa looga dhabeeyana dawladdu waxa ay horay u qaaday tallaabooyin muhiim u ah oo ay kamid tahay dar-dar gelinta shaqooyinka Tubta horumarinta dhaqaalaha.

Himilooyinka Tubta Horumarinta dhaqaalaha hal-beegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda qorshaha dayn cafinta taas oo fudayn karta kobac dhaqaale oo ballaaran iyo maal-gashi shisheeye, oo ay ka abuurmayaan fursado shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale