Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka Furay Shirka Horumarinta Fillimada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta daah furay shir looga hadlayeyย  siddii loo Horumarin lahaa Filimada Soomaaliyeed iyo Faaf reebkaย  Filimada, waxaana uu socon doonnaa kulankaan muddo labo maalin ah.

Furitaanka Kulanka ayaa Waxaa ka soo Qeybย  Galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ย Agaasimaha Wakaaladda Filimada ,Agaasimaha SONNA, Abwaanno,ย  Mas โ€˜uuliyiin ka Socday Xarumahaย  Keybalada ka shaqeeya filimada, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa si weyn looga dooday muhiimadda wakaaladda filimada Soomaaliyeed ay leedahay iyo doorka ay ka qaadan jirtay horumarintaย  filimada iyo faafreebka, waxaana laga hadlay in muhiim ay tahay in loo baahanyahay in la dardar galiyoย  horumarinta wakaalada filimada soomaaliyeed.

Agaasimaha Wakaaladaย  Filimada Soomaaliyeed Mudane Salax Shire Shabeelย  ayaa ka warbixiyay howlaha wakaaladda filimada Soomaaliyeed isagoo sheegay in doorkii Wakaaladda Filimada uu soo laabtay ayana Xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa Filimaan tayo leh kuwaas oo ilaalinaya dhaqanka suuban ee umadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa ka hadlay muhiimada ay wakaalada filimada u leedahay Bulshadda Soomaaliyeed iyo doorka ay qaadan karta xiligan isagoona sheegay in shirkan laga sugaya in ay ka soo badaan wax wanaagsan kuwaas oo tusaale wanaagsan u noqon karo Horumarinta Filimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud geelleย  oo furay shirkan socon doono maanta iyo Barito ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda filimada, si loo dhowro anshaxa filimada.

Ku Dhawaad Sodon Sano kadib Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadeysa tallaabo dib boorka looga jafayo Wakaaladda Fillimada Soomaaliyeed, iyaddoo Wasaaradda ay diyaarineyso Sharciga Copyright-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa...