Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa magaaladda Muqdisho maanta kulan kula qaatay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah ee Soomaaliya Caawiya.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada XFS ayaa sheegay in uu kala hadlay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo laga wada shaqeeyo isbadallo wax tar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxan Muqdisho ku kulanay wakiilada Wadamada Deeq bixiyayaasha ah, Waxan si hufan uga wada hadalnay guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaheena, Waxan si adag uga shaqeynaynaa gaadhsiinta Dalkeena isbadallo wax tar u leh Dalka & Dadka, Waan bogadinayaa tageerada ay nala garan taaganyihiin” ayuu yiri Wasiir Beyle

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...