Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/01/2019 qabatay Shirka Howlaha Xasilinta dalka.

Shirkan oo ah mid labadii biloodba mar laqabto ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah xasilinta dalka iyo iskaashiga hayโ€™adaha kala duwan ee ku hawlan dib u soo kabashada Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Xildhibaan Cabdullahi Faarah Wehliye ayaa shir guddoominayay waxaana kasoo qeyb galay Xubno ka socda Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Aminiga Qaranka,ย  Dowlad Goboleedyada dalka,ย  Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Hayโ€™adaha Soomaaliya ka taageeraย  hawlaha xasilinta dalka.

Sidoo kale, shirkan waxaa looga arinsaday sidii loo darder galin lahaa hawlaha xasilinta iyo Dowladaha Hoose ee ka socda dalka iyo sidii la iskugu dubaridiย  lahaa iyadoo la raacayo Istiraatiijiyada Xasilinta Dalka iyo Tubta Amniga iyo Cadaalada oo ay xasilintu qeyb weyn ka tahay.

Waxaa la isku raacay in si dhow la iskula xisaabtamo iyadoo la faray dhamaan Hayโ€™addaha ka shaqeeya arrimaha xasilinta in ay raacaan hanaanka dowladeed oo ay Wasaaradu u dajisay.

โ€œWaa in aynu isla xisaabtanaa ma ahan oo kaliya in uu shirkani noqondoono mid lagu kala warqaato laakiin waxa uu noqon doonaa mid si dhab ah la iskula xisaabtamoโ€ Saas waxaa yiri Wasiirul dowlaha Wasaaradda Mudane Xidhibaan Cabdullahi Faarah Weheliye.

Gabagabadii waxaa la isku raacay sanadka 2019 in uu noqdo sanadkii taabagalintaย  mashaariicda xasilinta si loo gaarsiiyo bulshada adeegyada ay u baahan yihiin iyada oo si dhow la iskula xisaabtami doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale