Wasaaradda warfaafinta oo tababar u furtay ku dhawaad 30 wariye

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta oo sabti ah u furtay 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta dawladda, dalwlada gobaleedyada iyo warbaahinta gaarka ah ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Waxda Shaqalaha iyo tabarada ee wasaaradda, C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tabarkan lagu baranayo tayeynta wax soo saarka raadiyaha iyo Tv-ga iyo siyaasada iyo tifaftirkooda, uuna socon doono muddo laba cisha ah.

Agaasimaha Maamulka Wasaaradda, Nasir Xuseen  ayaa isna xusay in wasaarada ka go’an tahay  in la laba laabo dadaalkeeda ku aadan tababarada aqoon kororsiga ah ee ay u qabaneyso wariyeyaasha.

“Waxa ay wasaaradda qabaneysaa sannadkan ilaa 6 tababar oo lagu hormarinayo mihnadooda shaqo, waxaan idin rajeynayaa in aad ka fa’ideysan doontaan khubarada tababarka bixineysa”, sidaas waxa yiri agaasimaha Wasaaradda warfaafinta, C/raxman Yusuf Sheekh oo tababrka u furey weriyeyaasha.

Waxa uu intaas ku daray in ay ka faa’ideystaan fursadan waxbarssho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...