Madaxweynaha JFS oo ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Puntland

Date:

Garoowe, Jan 26, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe, kuwaas oo lulay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wada jir loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud heer Federaal ee soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado

Guddoomiyaha Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale...

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...