Howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab oo ka socda Jubbooyinka

Date:

Kismaayo (SNTV) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa tilmaamaya in Ciidamada Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanno dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidanka hoggaaminayay howlgallada ka socda Jubbooyinka ee la gula dagaalamayo dhagar qabayaasha Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanno ay ka midyihin Cabdalla Biroole, Beerxaani Haad Weyne, Cabdi Dhoore  iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wada deegaannada ay kala wareegeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ku aadan sidii maleeshiyada Alshabaab looga sifeyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Alshabaab ayaa khasaarooyin xooggan ka so gaaray duqeymo iyo howlgallo toos ah oo kaga imaanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Xoogga dalka oo kaashana saaxiibadooda caalamka ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ku bur buriyeen goobo ay argagixisada Al-Shabaab ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo xarumo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...