Shacabka degmada Xamar Jajab oo soo dhoweeyay dadaalada lagu soo celinayo bilicda degmadaasi

Date:

Muqdisho (SNTV):- Dadka ku nool Dagmada Xamarjabjab ee Gobolka Banaadir ayaa si weyn u soo dhaweeyay Qorshaha Cusub iyo dardarta ee uu layimid Guddoomiyaha cuusub ee degmadaasi Cismaaciil Mukhtaar Orange.

Guddoomiyaha Dagmada Xamar jabjab Cismaaciil Mukhtar Cumar oo maalinkii labaad ku howlan Olole nadaafadeed oo ka dhan ah nadaafad darida ka jirtay qeybo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara Dagmada.

Goobaha ugu daran ee uu Gudoomiyahae isbadalka adaafadeed ee la taaban karo ka sameeyay waxaa kamid ah Wadada dheer ee xiriirisa isgoyada Ceelgaabta iyo Afsiyooni halkaas oo ay ka jirtay cabasho xooggan oo bulshada ku nool iyo kuwa wadada maraba ay ku qabeen dhiiqo iyo wasaq isbiirsaday, islamarkaana sababtay in uu burbur xoog leh soo gaaro wadadii laamiga aheyd ee hore dib u dhiska loogu sameeyay.

Shacabka degmada Xamar Jajab ayaa tallaabo wanaagsan oo loo baahnaa ku tilmaamay dadaalada oo uu maamulka degmadaasi uu ku doonayo dib u soo celinta bilicda iyo sidii la isaga kaashan lahaa nadaafadarada ka jirta degmada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...