kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dhaqan gelinta shuruucda Gaadiidka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):- Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa ka tashiga sidii la isaga kaashan lahaa dhaqan gelinta shuruucda Gaadiidka dalka ayna ka qeyb galeen Wasiirada Gaadiidka,Dekadda iyo Badda iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda,Saraakiil uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka kala socday Gaadiidleyda iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada,islamarkaana loo baahan yahay iney dhaqan geliyaan,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in kulanka maanta ay ugu magac dareen “Wada-tashi,”.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dhaqan gelinta shuruucda gaadiidka dalka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Sheikh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in dhaqan gelinta shuruucdani kaalin muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirada Gaadiidka, Dekadda iyo Badda iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dhaqan gelinta sharcigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...