Wasiirka Amniga XFS oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha Gudaha Turkiga

Date:

Ankara (SNTV) Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaalee) oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.

“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga dhanka horumarka arrimaha gargaarka bani’aadanimo iyo sugidda ammaanka”. Ayuu yiri wasiir Soylu.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa muujiyay sida ay uga wada qanacsanyihiin oo ay u rumeysan yihiin heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dowlad Soomaaliya iyo Turkey sanadkii tagay ee 2018,waxaana wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Mr Soylu uu sheegay in xiriirka Soomaaliya kala dhexeeyo uu ka weynyahay mid diplomaasiyadeed oo qura balse uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ku dhisan,wuxuuna xusay in taariikhda ay baal dahab ah ka geli doonaanan labada dhinaca.

Maxamed Abuukar Islow(Ducaal) Wasiirka arrimaha amniga XFS ayaa dhankiisa ka hadlay dowrka Turkiga ee garab istaaga Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba ma iloobayso caawinaadii iyo garab istaagii Turkiga ee arrimaha bani’aadanimada sanadkii 2011,waana dowladii ugu horeysay oo talaabadaasi qaado,ilaahay ayaana ka abaal marin doona kaalintooda”. Ayuu yiri wasiir Islow.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ku casuumay Wasiir Soylu in uu soo booqdo Soomaaliya,iyadoo uu aqbalay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga casuumaadaasi.

Ugu dambeyn Wasiir Islow ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in kaalinteeda ay ka soo baxdu hadii ay dhacdo in walaalaha Turkigu ay maalin u baahdaan caawinaad iyo garab istaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...