Madaxweyne Kenyatta oo shaaciyay tirada dhimashada weerarkii Dusitd2 hotel

Date:

Nairobi (SNTV)  Madaxweynaha dalka Kenya, Uhurru Kenyatta oo hadda shir jaraa’iid ku qabtay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ee DusitD2 hotel ee magaalada Nairobi.

Wuxuu intaa raaciyay in goobta laga soo badbaadiyay dad kor u dhaafaya 700 oo qof.

Mr Kenyatta ayaa ammaan u jeediyay ciidamada ammaanka ee Kenya oo sida uu sheegay caalamka tusay in ay ka adkaadeen argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadanka uu amni yahay, xaaladana ay ku soo laabatay sidii hore.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegaysa in dhaawacyo gaaraya ilaa 30 qof lagu dabiibayo xarumaha caafimaad,kuwaasi oo qarakood xaaladdi ay tahay mid aad u liidata.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...