Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray magaaladda Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wafdi uu Hogaaminayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxman ayaa maanta Gelinkii Dambe gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud Airport Kusoo Dhaweyey Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cabdicasiis Lafta Gareen, Gudomiyaha Wakiilada Koonfur Galbeed Iyo Mas’uliyin Kale

Safarka Guddomiyaha ayaa ah Ka Qeyb Galka Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Filayo Maalinta Berri ah Inay Ka Qabsoonto Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.

Sidoo kale waxaa ku sugan Magaaladda Baydhabo Masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland, guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ka qeyb gali doona Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Dawlad goboleedka Koofur galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...