Ciidan dhawaan Tababar loo xiray oo duleedka Muqdisho kusoo bandhigay Dhoola-tus Ciidan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Abaanduullaha Ciidanka XDS S/guuto Odowaa Yuusuf Raage,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa maanta ka qeyb galay dhoolatus Malatari oo ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaasi oo loo diyaariyey la dagaalanka Maleeyshiyada  Kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dhoola-tuska sameynayey  ayaa soo Bandhigay Dabrid iyo xirfadaha kale ee dagaalka oo ay barteen muddadii tababarka uu u socday.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf  Raagge ayaa sheegay in Ciidankaan ay Muddo qadaanayeen tababaro kala duwan, isla markaana loo carbiyay la dagaalanka Maleyshiyada Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu Tilmaamay in uu aad ugu farxay dhoola-tuskii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen Ciidanka, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...