Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in Bulshadda Gobolka Hiiraan u baahan yihiin dib u heshiisiin rasmi ah

Date:

Muqdisho (SNTV):- Shir ku saabsan Wacyiga Nabadda, Isdhexgalka iyo horumarka gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Aqoonyahano iyo masuuliyiin ka tirsaan maamulka Gobolka Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dhibaatooyinka Gobolka ka jira xal loogu heli lahaa, iyadda oo leyswado kaashanayo

Sheekh Cismaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Hiiraan u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah, taas oo ka timaada dadka reer Hiiraan.

“Hiiraan waxaa dega dad badan,waxaana ay u baahan yihiin in si dhab ah arrintooda loo xaliyo, sidoo kale dib dhacweyn ayaa Gobolka ku yimid waana wax laga xumaado,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheikh Cismaan Barre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in gobolka sidoo kale dhibaato ku hayaan meeleeshiyaadka Al Shabaab sidoo kalena aysan ka socon lacagta Shilin Soomaaliga ah taasina dhibaato weyn ay ku tahay shacabka Gobolka Hiiraan.

“Hiiraan waxaa ay u baahan tahay Isdhexgal Bulsho kaas oo si waagsan looga shaqeeyo,iyadda oo la is wad kaashanayo”ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Irshaad taas oo ka shaqeysa arragti Isdhaafsiga.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo aan u tureyn shacabka ayaa dhibaato weyn ku haya shacabka deegaanada fara ku tiriska ah ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan,waxaana socda qorshe Ciidamada Xoogga dalka ay ku doonayaan iney shacabka kaga dul qaadaan gumaadka argagixisada Al-Shabaab ku haayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...