Sii hayaha Wasiirka Tamarta XFS oo Imaraadka Carabta uga qeyb galaya shir looga hadlayo Tamarta

Date:

Muqdisho (SNTV):- Sii ahayaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dalka ayaa Imaaradka Carabta uga qeyb galayo shir looga hadlayo Tamarta laga dhaliyo cad-ceedda.

Shirka oo uu Wasiir ku-Xigeenka ahna sii hayaha Wasaaradda  Tamarta  iyo Khayraadka Biyaha Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim uga qeyb galayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Tamarta  cad-ceedda laga dheliyo  ama Solarka, Waxaana shirka Soo qaban qaabisay  Hay”ada  Tamarta IRENA oo fadhigeedu yahay magaalada Abu Dubai ee dallkaasi Imaaradka Carabta.

Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim, Wasiir ku-xigeeka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha dalka oo furitaanka shirka ka jeediyay hadalo kooban ayaa ka waraxbiyay muhiimada Soomaaliya u leedahay korantada laga dhaliyo Cad-ceedda.

“Waxaa xoogga saareynaa sidii aan dalkeenna oo cadceeddiisa wanaagsan uga faa’iideysan lahayn,waxaana hay”addan IRENA oo dalkeenna uu xubin muhiim ah ka yahay uga mahad celineynaa sida ay arrimahan ugala shaqeyneyso Soomaaliya, anigana waxaan naga go’an sidii aan u dar dar gelin lahayn arrimaha tamarta,” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Dhinaca kale, Wasiir Cusmaan Libaax Ibrahiim ayaa dalka Imaaradka uga qeybgalayo Shirka Tamarta ee sanad laha  ah ee dowladda Imaraadka ay qabato, kaas oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda Dowladaha Carabta, Afrika, iyo hay’adaha caalamka ee ka  Shaqeeyo arrimahan Tamarta iyo sida looga faa”iideysan karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...