Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga dooday Qorshaha 2019ka

Date:

Muqdisho January 10 (SNTV);-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan daadejinta maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta degmooyinka. Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu joogtayn doono ku qabsoomidda shirka todobaad laha ah degmooyinka Gobolka, si loo kormeero hannaankooda shaqo, loolana socdo tabashooyinka iyo baahiyaha ka jira.

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2019ka, iyadoona dib loo eegay miisaaniyaddii sannadkii hore oo la xaqiijiyey in ay ka badnayd tii 2017ka.

Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in lagu jaan gooyo miisaaniyadda sanadkan 2019ka arrimaha bulshada iyo daadejinta adeegyada asaasiga ah, maadama ay xowli ku socoto dib u kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijyada darisaynta iyo Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...