Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga dooday Qorshaha 2019ka

Date:

Muqdisho January 10 (SNTV);-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan daadejinta maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta degmooyinka. Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu joogtayn doono ku qabsoomidda shirka todobaad laha ah degmooyinka Gobolka, si loo kormeero hannaankooda shaqo, loolana socdo tabashooyinka iyo baahiyaha ka jira.

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2019ka, iyadoona dib loo eegay miisaaniyaddii sannadkii hore oo la xaqiijiyey in ay ka badnayd tii 2017ka.

Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in lagu jaan gooyo miisaaniyadda sanadkan 2019ka arrimaha bulshada iyo daadejinta adeegyada asaasiga ah, maadama ay xowli ku socoto dib u kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijyada darisaynta iyo Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...