Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaalia oo Furay Shir looga hadlayo ka Hor-tagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka Hortagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa  ka qeyb galay Qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha XFS iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah, isaggoo isaggoo xusay in la dejin doono qorshe cad oo looga hortagayo Waxyaabaha Qarxa.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay in  ay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad ku howlan falal amniga lid ku ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...