Ra’iisul wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Iyo Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka,kaas oo ay ka qayb galeen wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xisaabiyaha guud.
Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul wasarahu faray in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda si dalka looga caafiyo daymaha lagu leeyahay.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray dekadda Muqdisho ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, waxa uuna kulamo la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo maamulka sare ee dekadda.
Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun musuq-maasuq iyo maamul xumumo, waxa uuna bogaadiyay horumarrada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah.
Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...