Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Tababar usoo xirtay qaar kamid ah Haweenka Barakacayaasha ah

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Tababarkaan oo ay ka faaiideysteen 25-hablood oo laga soo kala xulay Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho ayaa socday muddo 3 isbuuc ah, waxaana lagu baray xirfado dhinaca gacanta ah oo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay tababarka ay ugu talo gashay in shaqo abuur ay u noqoto hablahaasi, iyadoo isla maantaba Wasaaraddu ay ku ย wareejiyey shahaadooyin iyo qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.

Qaar kamid ah Hablaha ka faaiideystay Tababarka ayaa sheegay in xirfadda ay barteen ay noloshooda ku maareyn doonaan, iyagoo u mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo fursadan siisay.

Ibraahim Xuseen Cali lataliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa la dardaarmay Hablaha tababarka loo soo xiray, isagoo xusay in looga baahanyahay in xirfadooda ay hormarin ku sameeyaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Isxaaq Xaashi ayaa sheegay in ujeedka Tababarkan uu ahaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa Hablaha Barakacayaasha ah oo u baahan garab istaag.

Hablaha tababarka ka faaiideystay ayaa kamid ah qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha Baralacayaasha ee Muqdisho, kuwaas oo ay heysato xaalad dhanka Nolosha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...