Howl-gal lagu laayay Malleeshiyaad Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Aw-dheegle

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Howl-gal ay Xalay ka fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu laayay xubno ka mid ahaa argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay Malleeshiyo ka tirsan nabad-diidka.

Madaxmed Ibraahim Barre, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelleda hoose ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in uu Ciidanku ay bur-buriyeen goobihii ay Al-Shabaab kasoo maleegi jireen weerarrada iyo qaraxyada oo ku yaalla isla Degmada Aw-dheegle.

“Tirada guud hadda ma hayno, laakiin Xalay markuu howl-galku dhacay illaa Afar meyd ah ayaa meesha yaallay, laakiinse tira ka badan ayaa jirta oo qaar xitaa lagu soo qabtay ayaa jira, dhaawacooda way la baxeen oo duurka ayay la galeen, ayuu yiri Guddoomiyhu.

Guddoomiyaha Shabeellada hoose ayaa intaa ku daray in ay dib kasoo sheegi doonaan tirade dhabta ah ee ay Ciidanku dileen iyo xubnaha ay soo qabteen, howl-galkana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loogu tala galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...