Beeraleyda Gobolka Bakool oo xaalad adag soo wajahday

Date:

Xuddur-(SNTV)-Beeraleyda Gobolka Bakool ayaa ka cabanaya hoos u dhac ku yimid dagallooda, markii ay degaannadaasi kusoo laa-laabteen abaaro, Biyo yaraan iyo cayayaanno wax yeello u geystay Beerahood.

Agaasimaha wax soosaarka Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Muuse Malisha, oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaatooyinka jira uu qayb ka yahay Cayayaanka, kaas oo wax yeelleeya Dalagyada kala geddisan, isla markaana sababta in laga niyad jabo tacbashada.

Cabdixamid Salaad Xasan, oo ah khabiir ku takhasusay ladagaallanka Cayayaanada Beeraha kana mid ah Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in sida loo yarayn karo  waxyeellada Cayayaanka ay tahay in isbeddel lagu sameeyo abuurka Beeraha.

Muktaar fuuje, oo ah isku-duwaha Wasaarada Beeraha ee Degmada Xuddur ayaa sheegay in baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan Beeraleydu ay ka mid yihiin in loo sameeyo ,wacyigelin, tababar, abuur, iyo in la siiyo agabkii Beeraha.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Degmada Xuddur uu u baahan yahay dayac tir buuxa iyo qalabayn, si uu u fuliyo howlihii Beeraleyda Gobolka Bakool.

Gobolka Bakool oo inta badan dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay wax soosaarka dalagyada Beeraha ayaa Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray abaaro iyo Cudurro saameeyay Dadka iyo xoolaha la dhaqdo, iyadoo Dadkii tacbatada ahaana ay intooda badan maciin bideen xerooyinka barakacayaasha duleedka Xuddur, iyadoo Dowladda dhexe iyo hay’adaha sama-falka ka dalbanaya in dib u dejin loo sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...