Ilhaan Cumar oo loo dhaariyay xubin-nimada Kongareeska Maraykanka

Date:

Washington (SNTV) – Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay in ay ka mid noqoto Kongareeska Dalka Maraykanka, markii ay November 2018-kii ku guuleysatay Korsiga Degmada 5-aad ee Minnesota.

Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Congresska Dalka Maraykanka, markii ay taageeya badan ka heshay Dadka Muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku badan Minnesota.

Ilhaan Cumar oo ah Soomaali Maraykan iyo Rashida Tlaib oo asalkeedu yahay Falastiin, ayaa noqonaya Gabdhihii ugu horreeyay ee Muslim ah oo xubin ka noqda Kongareeska Maraykanka, taasoo iyana kasoo gashay Michigan.

Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka gaar ahaan shacabka reer Minnesota ayaa aad usoo dhoweeyay dhaarinta Ilhaan Cumar, waxanay sheegeen in ay wax badan u qaban doonto Dadkeeda taas oo ay iyaduba ay horay u ballan qaadday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...