Wasaaradda Tamarta XFS iyo maalgashadayaal Qatar Ka Socda Oo Is-afgarada Kala Saxiixday

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasaaradda tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) iyo maalgashadayaal u dhashay dalka Qatar ayaa maanta waxa ay is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaasha Qatar ka socda ayaa si wadajir ah u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...