Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibedda oo ka qayb qaatay ololaha Is-xilqaan

Date:

Muqdisho-(SNTV)-In ka badan 180 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeybgalay wejiga Labaad ee mashruuca “Is-xilqaan” ee  dib loogu dhisayo, laguna dayactirayo, Tiyaatarka Qaranka oo ku bur-buray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Mudane, Danjire; Saciid Xaaji Maxamuud ayaa kaalin muuqata ka qaatay ololaha.

Shaqaalaha Wasaaradda ayaa olole nadaafad iyo dhireyn ka billaabay Tiyaatarka, markii Wasaaraddu ku deeqday 150 Geed mirood iyo kuwa la harsado, taasi oo ka dhigan hindisihii ugu horreeyay ee Qaran, kaasoo ah mid lagu taageerayo howsha mutadawacnimada ah ee is-xilqaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin...

Wasiirka caafimaadka oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, H.E....

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...