Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibedda oo ka qayb qaatay ololaha Is-xilqaan

Date:

Muqdisho-(SNTV)-In ka badan 180 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeybgalay wejiga Labaad ee mashruuca “Is-xilqaan” ee  dib loogu dhisayo, laguna dayactirayo, Tiyaatarka Qaranka oo ku bur-buray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Mudane, Danjire; Saciid Xaaji Maxamuud ayaa kaalin muuqata ka qaatay ololaha.

Shaqaalaha Wasaaradda ayaa olole nadaafad iyo dhireyn ka billaabay Tiyaatarka, markii Wasaaraddu ku deeqday 150 Geed mirood iyo kuwa la harsado, taasi oo ka dhigan hindisihii ugu horreeyay ee Qaran, kaasoo ah mid lagu taageerayo howsha mutadawacnimada ah ee is-xilqaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...