Duqa Muqdisho iyo Wasiirka qorsheynta oo ka wada hadlay qorshaha Horumarinta Qaranka

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Qorsheynt Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa is waafajinta qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorshaha horumarinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona 2020-2024 ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga , hirgelinta nidaam loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

Eng. Yarisow ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka arrimaha u qorsheysan Maamulka Gobolka ee la xiriira horumarinta Caasimadda, isagoo xusay baahida loo qabo in la yeesho qorshe isku xiran oo hagaya mashaariicda la qorsheynayo in la fuliyo.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Qorsheynta ka talo galinta bulshada qeybaheeda kala duwan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka. Iyadoo labada dhinac isku raaceen in laga wada shaqeeyo is-waafajinta qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorsheyaasha horumarinta Gobolka Banaadir u dagsan.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Wasaaradda Qorsheynta iskaashiga lagu xoojinayo wada shaqaynta naga dhaxeysa, waxaana kulankeenna iskula soo qaadnay sidii la isku waafajin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka iyo Qorshayaasha Horumarineed ee u dagsan Gobolka iyo sidii bulshada loogala tashan lahaa qorshahan oo muhiimad weyn u leh horumarka Caasimadda, kuna saleysan barnaamijka afarta tubood ee Dawladda”.

Wasiirka Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay la leeyihiin wada-shaqayn horseedeysa in si buuxda looga wada shaqeeyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ku saleysan afarta Tubood ee Xukuumadda F.S. ku shaqayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey...