Golaha Wakiilada Puntland oo la dhaariyay guddoon KMG ahna

Date:

Waxaa maanta xarunta Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland,kadib markii kuwaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada oo ka koobnaa ilaa 66 mudane

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Maxkamadda Sare ee maamul goboleedka,taasi oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka  Puntland,xildhibaanada ayaa laga soo xulay deegaanada Puntland.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa yeeshay  guddoomiye  cusub oo Kumeel Gar ah, Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo ah qofka ugu da’da weyn ee kujira baarlamaanka ayaa noqday  guddoomiyaha sii hayn doona gudoonka baarlamaanka ,ilaa laga soo dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka ee rasmiga ah Puntland.

Mudanayaasha Golaha wakiilada Puntland ayaa la filayaa in dhawaan ay doortaan guddoomiye cusub,iyadoo intaasi kadibna loo gudbi doono doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Diyaar garow ku aadan doorashooyinka guddoomiyaha iyo tan madaxweynahaba waa mid si weyn looga dareemayo deegaanada Puntland,iyadoo ay jiraan musharixiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha,waxaana kamid ah madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee C/weli Maxamed Cali Gaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...