Iga Baro Guddoomiye Oronjo

Date:

Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadihii siddeetamaadkii, waxa uu ku soo barbaaray degmada C/casiis, waxbarashada, Dhexe iyo sare ayuu ku qaatay Iskuulka Mujamac Ummul Quraa, waxa uu bartay xirfadda Saxaafadda, sannadihii u dhexeeyey 2004-2007 waxa uu ka soo shaqeeyey Idaacaddii Codka Afrikada Bari, wixii ka dambeeyeyna waxa uu ku soo biiray Raadiyo Muqdisho, sidoo kale waxaa u ka bartay Cilmiga Maamulka Dowliga ah Jaamacada Salam ee magaaladda Muqdisho.

Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii sida mabda’a ugu soo shaqeeyey dagaalkii lala galay malleeshiyada Argagixisada ee Al-shabaab marka loo eego dhinaca Warbaahinta.
Mr Oronjo ayaa masuuliyado kala duwan ka soo qabtay warbaahinta, sida Tifaftireyaashii Raadiyo Muqdisho iyo Wakaaladda SONNA, sidoo kale waxa uu soo noqday agaasimaha xiriirka warbaahinta gaarka ah ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Waxaa Ismaaciil wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa looga aqoonsanaa xubin firfircoon oo ku wanaagsan xiriirka hey’adaha Amniga, waxaana loo kaashan jiray mudadii uu shaqeynayey howlaha isku xirka warbaahinta Qaranka iyo Hey’adaha Amniga Dalka nooc walba oo ay yihiin, taas oo fursad u siisay in uu ka helo khibrad dhinaca Amniga ah.
Waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ka soo qaatay isku xirka dowladda iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay,.

31 December guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa wareegto ku soo saaray magacaabista guddoomiyaha degmada C/casiis ee gobolka Banaadir Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo).

Maamulka sare iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa soo dhoweeyey magacaabista Oronjo, kuna tilmaamay dedaal muuqda oo ay wasaaradda gaartay bacdamaa uu ka mid ahaa dhallinyaradii u soo baxday si firfircoonna uga soo shaqeysay howlaha Qaranka.

Lifaaqa Hoose Warqadda magacaabista

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...