Eng. Yarisow oo hambalyeey guuleystaysha Abaalmarinta Mogadishu Awards Abaalmarinta

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu bixinayay Abaalmarinta (Mogadishu Awards 2018), taasoo abaalmarin lagu guddoon-siiyanayay shaqsiyaad iyo Heyโ€™addo wax gal u ah bulshada oo loo gartay in ay yihiin shaqsiyaadka sanadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay Mogadishu Awards sida ay isugu xil-qaantay in ay bulshadeeda dhiira-geliso, gaar ahaan hal-doorkii gutay kaalintii kaga aadanayd u adeeggidda bulshada.

Eng. Yarisow ayaa ku dheeraaday kaalintii ay ka qaateen horumarka dalka dadkii guuleystay iyo u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed, waxuna kula dar-daarmay in ay sii xoojiyaan dadaalladooda.

โ€œWaxaan uga mahadcelinayaa Mogadishu Awards abaalmarinta iyo dhiirigelinta Wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin dadkii howlaha muhiimka ah u soo qabtay bulshada, waa hubaal in dad badan ay mudan yihiin abaalmarintan, balse tani waa in ay idiin sii noqotaa jidkii aad howshiina ku xoojin lahaydeenโ€.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doono dhiirigelinta iyo garab-istaaga cid walba oo dalkeeda horumarkiisa wax ku biirisa.

โ€œDhiirigalintu waa furaha dhaqaajiya naftaada waxuna sabab u noqdaa inuu qofku qabto hawl heerkeedu aad u sareeyo oo natiijo aad u wayn gaarsiisa waana dhabaha keena guusha. Qofkii hela dhiirigalin joogta ah waxaan shaki ku jirin inuu nolosha guul ka gaarayo.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Marti sharaf aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirro ka tirsan XFS, Xildhibaanno, Saraakiil, masuuliyiinta M/Mulka G/Banaadir iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...