Wasiirka Qorsheynta XFS oo xarigga ka jaray xafiiska Care International oo Muqdisho laga furay

Date:

Muqdisho(SNTV):- Maaagaalada Muqdisho maanta si rasmi ah looga furay xafiiska Hay’adda Care International ee Soomaaliya,waxaana xarigga ka jaray Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan iyo madaxda Hay’adaasi,iyadoo sidoo kale uu goob joog ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaardda Qorsheynta C/qaadir Maxamed Aadan.

Xafiiska Hay’adda Care International ayaa laga soo raray Kenya,taasi oo qeyb ka ah dhaqangelinta go’aan horey ay u soo saartay dowladda Soomaaliya oo ahaa in hay’adaha arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya ay u soo guuraan Soomaaliya.

Hay’adda Care International waxa ay ka shaqaysaa barnaamijyada Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, tababarada macalimiinta, bulshada Rayidka iyo horumarinta saxaafadda.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka,iyo sidii guudahaan adeegyada loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen,iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel k abaxsan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiiska Hay’adda Socdaalka ee IOM,si howlaheeda shaqo ay uga bilowdo gudaha Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...