Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha Iyo Taliska Booliiska

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, iyo xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda kula kulmay wasiirka wasaarada Maryan Aways, agaasimha oo xog ka siisay hannaanka ay u socdaan howlaha wasaaradda iyo shaqooyinka uga qabsoomay qorshayaashii laga doonanay in wasaaraddu ku guulsaysato sannadkaan dhammaadka ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqday xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed halkaas oo kulan uu kula qaatay taliyada booliiska dalka, General Bashiir Cabdi Maxamed iyo ku-xigeennadiisa oo ay ka wada hadleen dar-dar gelinta hannaanka adkaynta amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimadda.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ee isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...