Seminaar ku saabsan sida Dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan Doorashada 2020-ka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV) Seminaarkan lagu baranayay Wacyi galin ku saabsan Doorka Dhalinyarada ,Haweenka  iyo Dadka Laga tira Badanyahay ay ugu Qeyb qaadan karaan Arrimaha Doorashooyinka ee Dalka ka dhici doona 2020 kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta ee Sido ayaa Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Siminaarkan ka faa’iideystay Dhalinyaro ka kala yimid  qaar ka mid ah  Jaamacadaha Dalka  iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir Waxaana inta Siminaarka socday Laysku Weydaarsanayay Qaabka ugu Fiican ee Bulshadu ugu qeyb Qaadan karaan Arimaha Doorashooyinka Dalka.

Qaar ka mid ah dadka ka Faa’iideystay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Seminaarkan ay ku barteen sida looga qeyb qaadan karo Arrimaha Doorashooyinka iyo Doorka dhalinyarada ay ku leedahay Cod bixinta Doorashada dalka ka dhici doonto.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka ee sido C/llahi Cali Jimcaale ayaa kahadlay ujeedada Seminaarka iyo ahmiyada uu u leeyahay  dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaa loo baahanyahay in laga gudbo qaabka Qabiilka iyo nin jecleysiga ah ee lagu doorto loogana gudbo qaabka Waxqabadka ah in loo fiiriyo qof Muxuu qaban karaa, Aqoon ma u leeyahay waxa loo dooranayo, in aad la xisaabtami kartid wax qabadkiisa marka dhalinyarada waxaa looga baahanyahay in ay fahmaan Arrimahaasi isla markaana ay u gudbiyaan waxa halkan ay ka barteen dadka kale”.ayuu yiri Guddoomiye C/llahi Cali Jimcaale.

Waxaa la filayaa in markii lagaaro laba kun iyo labaatanka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah taasi oo ay isku diyaarinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...