Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish oo u qaabilsanaa  Tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...