Wasiir Beyle oo warbixin ku aadan horumarka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda siiyay Madaxweynaha JFS

Date:

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka.

โ€œSharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalkaโ€, ayuu yiri Wasiirka Beyle.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

โ€œWaxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,โ€ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...