R/wasaare Kheyre oo guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha cafinta daymaha+Sawirro

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Qorshaha Cafinta Deymaha kaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammeeystirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi socodkaasi ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka ee loo soo gaabiyo (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya ay wada gaareen iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxayna Hay’adaha dhanka maaliyadda ka taageera Soomaaliya ay ku ammaaneen daah-furnaanta iyo kobaca dhaqaalaha dalka uu sameeyay sanadihii ugu danbeeyay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...