Wasiir ka tirsan xukumadda Kenya oo Maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarda iyo Isboortiga Soomaaliya,  Khadija Maxamed  Diriye, ayaa Muqdisho kusoo dhaweysay Maanta, Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Isboortiga hidaha iyo dhaqanka ee Dalka Kenya Mudane; Xasan Nuur Xasan. oo ay wasaaradeedu casuumaad rasmi ah u fidisay.

Wafdigan, ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeybgalay, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee XJFS mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Xildhibaano katirsan  Labada gole Baarlamaanka Soomaaliya, Dhallinyaro matalaayey xiriirrada Sportiga Dalka iyo Madaxdooda.

Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayey wafdiga ka yimid Dalka Kenya, ayey wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaalia Marwo,  Khadiijo Diiriye ka sheegtay wafdigan inuu qeyb ka yahay latashiyo wasaaraddu la sameyneyso Dalalka dariska ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha Waddanka.

Wasiir kuxigeenka Isboortiga hiddaha iyo dhaqanka ee Dalka Kenya, Mudane; Xasan Nuur Xasan, ayaa sheegey imaatinka Muqdisho inu ku faraxsanyahay , muddada uu joogana wadatashiyo la xariira  horumarinta ciyaaraha Labada Dal uu la qaadan doono Madaxda ciyaaraha ee martiqaadday.

Wasiirka Cadaaladda ,  Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Soomaaliya ay bur-burkii iyo dib u dhicii muddada dheer soo maray ay ugu bixi karto, nabad-galyada iyo hiigsiga ka jira, taasoo sabab u noqon karta inay Dalalka dariska la sameeyaan iskaashi iyo waxwada qabsi.

Wafdigaan oo Muqdisho joogi doona mudo 4 Cisho ah, ayaa wadada tashiyo ku aaddan horumarinta ciyaaraha Labada Dal waxay la yeelan doonaan madaxda wasaradda Isboortiga Soomaaliya iyo kuwa xiriirada ciyaaraha Dalka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay...

Wasiirka Beeraha oo booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...

Safiirka JFS ee K/afrika oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika,...