Wasiir ka tirsan xukumadda Kenya oo Maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarda iyo Isboortiga Soomaaliya,  Khadija Maxamed  Diriye, ayaa Muqdisho kusoo dhaweysay Maanta, Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Isboortiga hidaha iyo dhaqanka ee Dalka Kenya Mudane; Xasan Nuur Xasan. oo ay wasaaradeedu casuumaad rasmi ah u fidisay.

Wafdigan, ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeybgalay, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee XJFS mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Xildhibaano katirsan  Labada gole Baarlamaanka Soomaaliya, Dhallinyaro matalaayey xiriirrada Sportiga Dalka iyo Madaxdooda.

Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayey wafdiga ka yimid Dalka Kenya, ayey wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaalia Marwo,  Khadiijo Diiriye ka sheegtay wafdigan inuu qeyb ka yahay latashiyo wasaaraddu la sameyneyso Dalalka dariska ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha Waddanka.

Wasiir kuxigeenka Isboortiga hiddaha iyo dhaqanka ee Dalka Kenya, Mudane; Xasan Nuur Xasan, ayaa sheegey imaatinka Muqdisho inu ku faraxsanyahay , muddada uu joogana wadatashiyo la xariira  horumarinta ciyaaraha Labada Dal uu la qaadan doono Madaxda ciyaaraha ee martiqaadday.

Wasiirka Cadaaladda ,  Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Soomaaliya ay bur-burkii iyo dib u dhicii muddada dheer soo maray ay ugu bixi karto, nabad-galyada iyo hiigsiga ka jira, taasoo sabab u noqon karta inay Dalalka dariska la sameeyaan iskaashi iyo waxwada qabsi.

Wafdigaan oo Muqdisho joogi doona mudo 4 Cisho ah, ayaa wadada tashiyo ku aaddan horumarinta ciyaaraha Labada Dal waxay la yeelan doonaan madaxda wasaradda Isboortiga Soomaaliya iyo kuwa xiriirada ciyaaraha Dalka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...