Guddoomiyaha Aqalka sare oo dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Date:

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.

Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Labadiisa ku-xigeen iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay Shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan yihiin iney tahay Qudus waligeedna ahaaneyso.

Shirkan oo ah kii Labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,waxaana ka soo qeyb galay 70-Dowladood,kuwaasi oo dhammaantood aragti ka dhiibtay shirka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...