Duqa Muqdisho “Xooggaga Wadaniyiinta waxaa laga sugayaa in Gacana ay dalkooda ku dhistaan midna ku Difaacaan”.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo u soo xiray Xooggaga Wadaniyiinta Siminaar socday muddo shan casho ah oo lagu baranayay Maamul Wanaangga ayaa ku booriyey in ay dardargeliyaan dadaalladooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqan ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska bulshadu hormuudka u tahay.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay in la joogteyn doono aqoon-kororsiyada ku saleysan maamul wanaagga oo muhiim u ah shaqada xoogagga Wadaniyiinta ah ee ku saleysan Is-xilqaanka, maadama ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dib u dhiska iyo difaaca dalka.

“Siminaarkan waxuu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyaa dib-u-dhiska dalka ee hormuudka u yihiin xooggaga wadaniyiintu , waxaana idinka sugeynaa in gacanna aad ku dhistaan dalkiina midna aad ku difaacdaan, idinkoo ka hortagaya qorshe kasta oo curyaaminaya horumarka dalkiinna”.

Siminaarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay 140 xubnood oo isaga kala yimid Degmooyinka Caasimadda, Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Saraakiil ka socotay Hay’adaha Ammaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...