Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qatar ugu baaqay iney ka qeyb qaataan Dib u Dhiska Dalka.

Date:

Doha (SNTV) Isagoo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayuu sheegay Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qadar looga baahanyahay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka ka socda dalka, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladda Dalka iyo Horumarada Dowladdu ay ka sameysay dhinacyada Amniga, la dagaalanka Musuqa, Koboca dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada FS ayaa sheegay in dawladda Qatar ay wada gaareen heshiisyo waawayn oo kor loogu qaadayo horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in la bilaabayo inta aanu sanbadkan dhamaan dhagax-dhigga dhismaha wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jawhar, ayna ku xigi doonaan dhismaayasha wasaaradda Qorshaynta, xarunta Xisbiga iyo mashaariic kale.

Waxa uu intaa ku daray in Qatar iyo Soomaaliya si dhaw isaga kaashanayaan dhinacyada gaadiidka cirka iyo dhulka, taas oo wax wayn ku soo kordhinaysa dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

“Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah.in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomoaliyeed”.ayuu raaciyay Mudane Xasan Cali Khare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...