Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Caasimadda uga Mahadceliyay Soo Dhaweynta Wafdigii Eriteriya iyo Dulqaadka ay Muujiyeen

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey shacabka ku dhaqan Caasimadda sida ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta iyo marti soorka wafdi-Madaxeedkii dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya oo booqasho ku yimid dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyen awoodda ay u leeyihiin in ay casuumaado rasmi ah oo maalma qaata ay ku maamuusaan Madaxda dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka aan dan wadaagta nahay, taas oo bud dhig u ah xiriirka iskaashi iyo midka diblumaasiyadeed.

“Waxaan ku bogaadinayaa bulshada Caasimadda sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo in ay u dulqaateen culeysyada dhanka isu socodka iyo ganacsiga labadii maalmood ee ay martidu nala joogtay.”

SIdoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo guud ahaan cutubyadii u taagnaa maalmahan xaqiijinta amniga wafdi Madaxeedka Dalka Ereteriya, isagoona faray in ay sii laba laabaan dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Ciidankeenna geesiyaasha ah ee maalin iyo habeen u taagan ilaalinta dhulka, nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay halkaas ka sii wadaan dadaalkooda, kana hortagaan fal kasta oo argagixisada Al Shabaab ay ku dhibaataynayaan shacabka iyo maqaamka dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Goleyaasha kale ee Dowladda, Culummada, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka, Dhallinyarada iyo hobollada Qaranka kaalinta ay ka qaateen in ay guul ku soo dhammaato marti gelinta wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...