War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ereteriya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, waxay kulamo wadatashi oo labo maalmood socday (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ku yeesheen magaalada Muqdisho, Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab.

Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada.

Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.
Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.

Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan.

Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo.

Labada Madaxweyne waxay garwaaqsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan. Isku day kasta oo lagu carqaladaynayo dardarta ka socota gobolka waxay shaki la’aan curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiinta. Madaxdu waxay ka midaysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan lahayn, siyaasadina dabada ka riixayso, waxayna dhammaan ugu baaqayaan in ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...