Madaxweynaha JFS oo dhiggiisa Eretrea kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne, Efowerki, iyo wafdigiisa oo hadda salaam sharaf ka qaadanaya Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaybta Baambayda, ayaa lagu wadaa in loo soo gudbiyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda ugu sarreysa Dalka.

Waa booqasho Taariikhi ah, taasoo ah middii ugu horreysay ee Madaxweyne ka socda Dalka Eretrea uu ku yimmaaddo Dalka Soomaaliya, waxanay tallaabbadani qayb ka tahay dedaallada is-dhex galka siyaasadeed iyo tan Bulsho ee waddamada Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...