Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo heshiis lagu horumarinayo Beeraha Soomaaliya la saxiixatay Dawladda Talyaaniga iyo Hay’adda FAO “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Waxaa maanta heshiis ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo waraabka.

Heshiiska ayaa Waxaa qeyb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho,hirgelinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka(Meodern Irrigation Technology) ,Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyaddoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hay’adda  FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.

Waxaa munaasabada kasoo qayb galay Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xiggeenka Beeraha Mudane Xaamul Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Maxamuud Maxamed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...